Halka loo waday Haramcadka Soomaalida ee la badbaadiyay iyo qiimaha lagu iibsado - BBC News Somali (2024)

Halka loo waday Haramcadka Soomaalida ee la badbaadiyay iyo qiimaha lagu iibsado - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Puntland ayaa shaacisay geerida Haramcad dhal ah oo laga soo badbaadiyay Soomaali sharci darro kusoo qabatay oo iib ku dooneysa.

Midkan geeriyooday oo ay wehliyaan labo kale oo dhal ah oo uu mid dhedig yahay ayay koox reer miyi ah kasoo qaadeen hooyadood iyada oo jira wax ka yar labo toddobaad, iyaga oo aan weli wax caano ah nuugin, sida ay faafisay wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee dowlad goboleedka Puntland.

Kooxdan soo qabsatay Haramcadka dhalka ah ayaa iskudayay inay ku iibiyaan Facebook iyo sidoo kale gudaha magaalada Gaalkacyo oo loogu sheegay inay jiraan dadka danaynaya oo dibada usii dhoofinaya.

Laakiin saraakiisha wasaaradda ayaa BBC u sheegay inay iyagu iska dhigeen dad iibsanaya oo ay sidaas kusoo qabteen dadkii hayay Haramcadka dhalka ah ooh adda lagu xanaanaynayo magaalada Garowe.

Haramcadka laga dhoofiyo dhulka Soomaalida iyo halka loo iibgeeyo

Halka loo waday Haramcadka Soomaalida ee la badbaadiyay iyo qiimaha lagu iibsado - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Deegaanka iyo Daaqa iyo isbedelka cimilada

Haramcadka oo ah noolaha ugu orodka dheer duurgoobta ayaa ka mid ah saddex duurjoog oo Maroodigu ka mid yahay ee halista ugu jira inay dunida oo dhan ka ciribtirmaan. Waxaa arrinkan la la xiriirinayaa ka ganacsiga sharcidarrada ah ee duurjoogta oo sanadkii laga sameeyo adduun lacag oo dhan saddex iyo labaatan bilyan oo doolar.

Caadiyahan Haramcadka dhalka ah oo ay ugaarsadaan lixaaba iyo shabeelka, waxaa ka barbaara in ka yar boqolkiiba toban tirada guud haramcadka dhasha. Waxaa taas u wehliya ugaarsiga dadka iyo ka ganacsiga sharcidarada ah, iyo dhulkii uu ku noolaan lahaa oo la deegaameeyay.

Afrika oo ahayd hoyga haramcadka dunida oo dhan waxaa hadda ku dambeeya wax ka yar toddobo kun oo Haramcad ah oo badidood ku nool Namibia oo ah halka ay ku nool yihiin tirada ugu badan ee Haramcad ah.

Dhulka Soomaalida ayaa mar ka mid ahaa meelaha ugu badan ee Haramcadka ku nool yahay, halkaas oo ugaarsiga ugu badan ee sharcidarrada ah lagu ciribtiray Haramcadka, sida ay faafisay hay’adda Maalgelinta Badbaada Haramcadka ee magaceeda loo soo gaabiyo CCF.

Somaliland oo ah halka uu ku noolaa Haramcadka ugu badan dhulka Soomaalida waxay hay’adda oo mar ka shaqeyn jirtay Somaliland sheegtay in ka badan shan boqol oo Haramcad ah si sharci darro ah looga dhoofiyay Somaliland inti u dhexeysay 2010kii iyo 2019kii.

Hay’adda ayaa ku tilmaamtay tiradaas mid walaac weyn leh maadaama ay sheegtay in adduunka oo dhan si sharci darro ah mudadaas loo dhoofiyay afar kun oo Haramcad ah. Waxay Somaliland ku tilmaamtay marinka ugu weyn ee ganacsiga sharcidaradda ah ee Haramcadka.

Waxay hay’adda cilmibaaris iyo tirokoob ay horey u sameysay ku sheegtay in ugu yaraan saddex boqol oo Haramcad dhal ah si sharcidarro ah looga dhoofiyo Somaliland sanad walba.

Waxaa laga sii gudbiyaa xuduuda badda ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland la leedahay Yemen oo dhan 850 kiilomitir. Waxaa loo sii gudbiyaa dalalka kale ee khaliifka Carabta.

Laakiin baddi Haramcadka laga qaado dhulka Soomaalida nolol kuma gaaro dalalka loo wado isaga oo badi ku dhinta inta uu saaran yahay doomaha kusii jeeda Yemen, iyo xita uu la sii wado gawaarida looga qaado Yemen ee dhanka dhulka ka geliya dalalka carabta.

Saddex ka mid ah afartii Haramcad ba, jidka ayay ku dhintaan.

  • Shidaalkii ugu horeeyay oo sanadkaan laga soo saarayo Soomaaliya iyo gobolka laga qodayo oo la shaaciyay

  • Waxa ay Somaliland uga dhigan tahay murashaxnimada Raila ee Midowga Afrika iyo sida ay u saameyn karto Soomaaliya

  • Wax ka ogow lacagta habeenkii ku baxda meydka lagu hayo qaboojiyaha ee Soomaaliya iyo sababta loogu hayo

Qiimo intee la eg ayaa lagu iibsadaa Haramcadka Soomaalida, maxaa se lagu sameeyaa?

Halka loo waday Haramcadka Soomaalida ee la badbaadiyay iyo qiimaha lagu iibsado - BBC News Somali (3)

Xigashada Sawirka, Wasaaradda Deegaanka iyo Daaqa iyo isbedelka cimilada

Halka ugu badan ee loo dhoofiyo Haramcadka Soomaaliya iyo Afrika laga qaado waa dalalka qaniga ah Carabta ee ay ugu horreyaan Sacuudiga, Imaaraatka iyo Qatar.

Tiro ka badan kun Haramcad ah ayay qoysaska ladan ee carabta ah ku heystaan guryaha iyaga oo si sharcidarro ah ku iibsaday, kuna heysta – inkastoo dalalka Sacuudiga iyo Imaaraatka ba ay mabnuuceen ka ganacsiga iyo in guryaha lagu heysto haramcadka, laakiin ahdda xeerkaan si dhab ah looma dhaqangeliyo.

Halkii Haramcad waxaa suuq madow loogu kala iibsadaa lacag dhan shan iyo toban kun oo doolar.

Meelaha ugu badan ee lagu kala iibsada baraha bulshada ee Internetka iyada oo intii u dhexeysay 2012 iyo 2018kii baraha bulshada lagu kala iibsaday 1,367 Haramcad.

Iibsiga badii ayaa ka dhacay bogga Instagram iiyo YouTube, iyado oo ay kala iibsanayaan dad kala jooga 15 dal, laakiin sagaashan boqolkii ba waa dalalka Khaliijka. Waxaa ugu sii badnaa dalka Sacuudi Carabiya.

Xitaa kooxda Soomaalida ah ee laga soo badbaadiyay saddexda Haramcad ee dhalka ayaa iskudayay inay ku iibiyaan bog Soomaali leedahay oo Facebook ka dhex furan, sida ay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ee Puntland.

Saddexda xarun ee iibiya Haramcadka ugu badan waxay ku yaalaan Sacuudiga.

Mid ka mid ah dadka ka ganacsada ayaa u sheegay CNN inay u heli karaan qof kasta oo doonaya Haramcad, ha ahaado lab iyo dhedig midkee la doono.

Halka loo waday Haramcadka Soomaalida ee la badbaadiyay iyo qiimaha lagu iibsado - BBC News Somali (2024)
Top Articles
Lacrosse Announces Signing Class for 2024-25 - Boston College Athletics
The 5 Best Airlines That Fly To Hawaii, According To Reviews - Islands
Digitaler Geldbeutel fürs Smartphone: Das steckt in der ID Wallet-App
Gasbuddy Joliet
Tate Sweat Lpsg
Delta Air Lines - Login
Wyze Thermostat vs Nest: Detailed Comparison
Parx Raceway Results
Milk And Mocha Bear Gifs
Round Yellow Adderall
Jobs Hiring Start Tomorrow
‘Sound of Freedom’ Is Now Streaming: Here’s Where to Stream the Controversial Crime Thriller Online for Free
Magic Seaweed Pleasure Point
Weather Channel Quincy
Summoner Calamity
Free Cities Mopoga
Math Playground Protractor
Stephjc Forum
To Give A Guarantee Promise Figgerits
Harvestella Sprinkler Lvl 2
When Is Lana Rhoades’ Baby Due Date? Baby Daddy, Bump, And More
Robotization Deviantart
Cindie's - Lafayette Photos
Dominion Post Obituaries Morgantown
2010 Ford F-350 Super Duty XLT for sale - Wadena, MN - craigslist
Arch Aplin Iii Felony
C.J. Stroud und Bryce Young: Zwei völlig unterschiedliche Geschichten
Becker-Hunt Funeral Home Obituaries
Gw2 Titles
Forest Haven Asylum Stabbing 2017
Mary Lou Willey Connors Obituary
Frankie Beverly, the Maze singer who inspired generations of fans with lasting anthems, dies at 77
2024-25 ITH Season Preview: USC Trojans
Nc Scratch Off Left
Grizzly Expiration Date 2023
Www.cvs/Otchs/Simply
University Of Arkansas Grantham Student Portal
Kris Carolla Obituary
Lawson Uhs
Buzzy Shark Tank Net Worth 2020
Nationsotc.com/Bcbsri
Ripoff Report | MZK Headhunters Inc. complaints, reviews, scams, lawsuits and frauds reported, 0 results
Central Valley growers, undocumented farmworkers condemn Trump's 'emergency'
Matrizen | Maths2Mind
Vegan Eggplant Parmesan
What Is TAA Trade Agreements Act Compliance Trade Agreement Act Certification
Fitbod Lifetime
Botw Royal Guard
Pastel Pink Facetime Icon
8 Internet Celebrities who fell prey to Leaked Video Scandals
Bass Tracker Boats For Sale On Craigslist
I spruced up my kitchen for £131 - people can’t believe it’s the same room
Latest Posts
Article information

Author: Pres. Lawanda Wiegand

Last Updated:

Views: 5672

Rating: 4 / 5 (71 voted)

Reviews: 86% of readers found this page helpful

Author information

Name: Pres. Lawanda Wiegand

Birthday: 1993-01-10

Address: Suite 391 6963 Ullrich Shore, Bellefort, WI 01350-7893

Phone: +6806610432415

Job: Dynamic Manufacturing Assistant

Hobby: amateur radio, Taekwondo, Wood carving, Parkour, Skateboarding, Running, Rafting

Introduction: My name is Pres. Lawanda Wiegand, I am a inquisitive, helpful, glamorous, cheerful, open, clever, innocent person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.